Waa Maxay Stocks? Fahamka Aasaasiga ah ee Maalgashiga Suuqyada Saamiyada.


๐Ÿ“ˆ Waa Maxay Stocks? — Fahamka Saamiyada suuqyada (Stocks) 

Maaraynta maamulka iyo maalgashiga casriga ah, erayga “stock” waa mid si joogta ah loo maqlo marar badan. Laakiin waa maxay dhab ahaanti? stock ma yahay fursad faa'iido? Mise waa khatar aan la hubin?

Maqaalkan, waxaan si cad ugu sharaxaya waxa uu yahay stocks, noocyadooda iyo sida loo iibsado, faa’iidooyinka,  khataraha, iyo sida uu qof caadi ah uga faa’idaysan karo.


๐Ÿง  1. Waa Maxay Stock (Saami)?

Stock (ama share) waa qeyb ka mid ah saami shirkadeed. Marka aad ka iibsato stock shirkad gaar ah, waxaad noqoneysaa qof  leh qayb ka mid ah  shirkaddaas. Tusaale ahaan, haddii ay shirkadu leedahay 1 milyan oo stocks ah, adiguna aad gadato 1,000  waxaad leedahay 0.1% shirkaddaas.


๐Ÿข 2. Sidee Ayey U Shaqeeyaan Suuqyada Saamiyada ee (Stock Market)?

Shirkadaha waaweyn waxa ey iska diiwaangeliyaan suuqyada waaweyn ee saamiyada, sida.

  • NYSE (New York Stock Exchange)

  • NASDAQ

  • London Stock Exchange

Marka ay shirkadi u baahato lacag (si ay isku balaariso), waxa ay qeyb ka mid ah mulkiyadeeda ka iibisaa dadweynaha. Dadkuna waxa ay u iibsadaan si ay u helaan faa’iido marka qiimaha saamigu kor u kaco .


๐Ÿงพ 3. Noocyada Stocks:

NoocaSharaxaad
Common StocksKuwani waa nooca caadiga ah ee saamiyada. Waxaad heli kartaa faa’iido, waadna codeyn karta  doorasho (vote) in qiima koror la sameeyo.
Preferred StocksWaxaa lagaa siinayaa lacag go’an (dividend) Laakiin ma lihid cod doorasho.
Growth StocksWaxaa bixiya shirkadaha koraya. Ma bixiyaan dividend, laakiin qiimohoodu si dhaqso ah ayuu u koraa.
Dividend StocksWaxaa bixiya shirkado waaweyn oo faa’iidadooda si joogta ah dadka ula wadaaga.

๐Ÿ’ธ 4. Sida Loo Iibsado Stocks?

  1. Furo akoon (account) maalgashi (broker) sida:

    • eToro

    • Revolut

    • Trading212

    • Robinhood (USA)

  2. Dooro saamiyada aad rabto inaad maalgashato (tusaale: Apple, Tesla, Amazon).

  3. Samee cilmi baaris (analysis) – ha iibsan wax aadan fahmin!

  4. Go’aanso inta lacag ah ee aad rabto inaad ku maalgeliso.


✅ 5. Faa’iidooyinka Ka Imaan Kara Maalgelinta Stocks:

  • Koror Qiime (Capital Gains) – markaa iibsato $50 qiimahana uu gaaro $100 → waxaad haysata faa’iido inta aad ku gadatay in leeg ah

  • Dividends – shirkadaha qaar waxay si joogto ah u siiyaan lacag mulkiilayaasha saamiyada

  • Ka qeyb qaadashada koritaanka dhaqaalahaaga.


⚠️ 6. Khataraha imaan kara:

  • Qiimaha stock-ka hoos buu u dhici karaa – waad khasaari kartaa

  • Ma jiro dammaanad faa’iido – waa suuq is bedbeddela

  • Dhibaatooyinka dhaqaalaha ama siyaasadda waxa ay saameeyaan suuqyada caalamka.


๐Ÿง  7. Sidee Loo Bilaabaa Inaad Barato?

  • Akhri buugaag tusaale“The Intelligent Investor” ama “Rich Dad Poor Dad”

  • Daawo casharro YouTube ama baro koorsooyin bilaashka ah

  • Raac wararka suuqyada (Bloomberg, Yahoo Finance, CNBC)


๐Ÿ”š Gunaanad:

Stock-yadu waa fursad weyn oo kobcin karta dhaqaalahaaga haddii aad si xikmad leh u isticmaasho. Waxaa muhiim ah in la sameeyo cilmi baaris, la fahmo khatarta, loona bilaabo si tartiib tartiib ah. Haddii aad rabto inaad barato sida loo ganacsado ama loo maalgashado stocks. waad samayn karta ee ha ka caajisin, dulqaad iyo dadaalna la imow.

➤ La soco SomKash Blog si aad u barato maalgashiga fudud!
➤ Haddii aad u baahan tahay la-talin bilaash ah ama casharo bilaash ah, nagala soo xiriir:whatsapp | +45 9360 8870 Ali Hirsi

Comments