“Qoraalka: Xirfadda Aan La Dareemin ee Lacagta Lagu Helo”

Faa’iidooyinka Qoraalka: Sidee Qoraalka Online uu u Noqon Karaa il Dakhli

Qoraalka ma aha kaliya hibo ama hal-abuur, waxaa laga sameyn karo dakhli joogto ah—gaar ahaan xilligan digital-ka ah. Inaad wax qorto, xitaa haddii aadbilow tahay, waxay noqon kartaa tallaabada ugu horreysa ee aad ku gaarto xorriyad dhaqaale. Haddaba sidee ayuu qoraalka online lacag looga samayn karaa?


1. Qorista Blog (Blogging)

Blog waa madal aad ku qori karto maqaalada aad jeceshahay: caafimaad, qurux, xirfado, ganacsi, iyo nolosha guud. Marka aad si joogto ah u qorto, waxaad soo jiidan kartaa akhristayaal badan.

✅ Markii aad hesho dad akhrista blog-gaaga:

  • Waxaad u isticmaalaysaa Google AdSense si aad lacag uga hesho xayeysiisyada

  • Waxaad gelin kartaa affiliate links oo aad ka hesho komishan.


2. E-book iyo PDF La Gado

Haddii aad wax wanaagsan ka taqaano mawduuc gaar ah (tusaale: affiliate marketing, barashada fliki, ama daryeelka caafimaadka), waxaad qoraalkaaga u rogi kartaa e-books ama PDF oo aad iibiso.

✅ Qof walba wuu samayn karaa, haddii uu dadaalo.

      Waxaad ku gadi kartaa  WhatsApp, Linktree, ama blogger. Qiimahana adiga ayaa ikhtiyaar u leh inta aad gadeyso, haddii 50 qof kaa iibsato… waad faaidi doonta


3. Copywriting: Qorista Xayeysiinta

Haddii aad barato sida loo qoro xayeysiin soo jiidasho leh (poster, CTA, ama captions TikTok/Instagram), waxaad dadka kale u samayn kartaa qoraal ay ku xayeysiinayaan alaabtooda.

✅ Waxaa laga sameeyaa lacag, waana loo baahan yahay dad wax qora:

  • "Waxaad rabtaa inaad lacag sameyso adoo gurigaaga jooga"waad samayn kartaa run ahaanti aqoon badana uma baahna, waa sidii adoo facebook iyo gmail cusub samaysanaya, hadii aad taqaanidna midaas waxaa tahay qof aqoon leh.;


Gunaanad:

Qoraalka waa xirfad qiimo badan leh – lagana dhigi karo lacag. Maanta waxaad bilaabi kartaa blog, ebook ama xitaa hal caption. Ujeeddadu waa: wax qor si joogto ah oo  hel aqoon iyo lacagba.

🎯 ➡️ Ma rabtaa inaad bilowdo safarkaaga  lacag ka dhalinta onlinka?

Soo dejiso PDF-ga "Mini Guide to Affiliate Marketing" ee Af Soomaali:
👉Affiliate Marketing Somali guide

Comments